Anigoo ku hadlaya magaca Hay’adda waxbarashada Qorrahay(QEF), kan maamulka iyo Kaygaba waxaan uga mahadcelinaynaa Shirkadda Guryosamo Trading & Industry iyo Mulkiilaheeda Abdiraxman X.Maxamed X.Warfa
Taageerada joogtada ah ee ay la garab taagantahay hay’adda.
Taas oo ay ugu dambeysay gaadhsiinta qalabkii sheybaadhyada Sayniska ee Dugsiga sare ee Qabridaharre kaas oo Cargo-ga Diyaaradda lagu diray, waxaana leenahay Ilaahay ha kuugu daro miisaanka xasanaadkaaga, shirkaddana Allaha Barakeeyo.
Waxaan ka rajeynaynaa ganacsatada kale ee ka soo jeedda gobolka Qorrahay in ay iyaguna sidoo kale uga qeyb qaataan kaalinta kaga aaddan ka qeyb qaadashada hawlaha Hay’adda QEF ay ka waddo gobolka.
Mahadsanid
Engr. Diriye Islan Omar
Guddoomiyaha Hay’adda Qorahay Education Foundation(QEF)