Abwaan Maxamed Hiirad oo gabay duco ah u mariyey Hawlwadeenada Mashruuca QEF

KDSS students at class1

Abwaan Maxamed Hiirad oo ah Abwaan Soomaaliyeed eebbana ku galladaysey murti iyo garasho ayaa waxuu gabay duco iyo amaan isugu jira u tiriyey hawlwadeenada Mashruuca QEF isagoo ku halqabsadey Saaxiibkii Axmed Dawlo. Abwaanka ayaa tixdan ka mariyey shirweyne mashruuca QEF uu ku qabtey magaalada Sandiego oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu sareysa mashruuca. Sandiego waxey ahayd meeshii laga aasaasey mashruuca QEF oo maanta ku biyo dhigey daafaha shanta qaaradood isagoo waxtar aan la qiyaasi karin gaadhsiiyey ubad ka badan 12Kun oo wax ku barta magaalada Qabridahare.

Gabaygan oo duco ubadan waxuu Abwaanku ku bilaabay sidan:

Allahayow kuwa diintiyo, khayrka  noo dalbanaaya

Derejo weyn u hibeeyoo , Dembigoodana dhaaf

Kuwa aan cid dilaynine , Nabadda noogu dadaala

Derejo weyn u hibeeyoo .Dembigoodana dhaaf

Allahayow kuwa deeqda ,Dadkoodii u huraaya

Derejo weyn u hibeeyoo , Dembigoodana dhaaf

Ducadaas dabadeeda , Dulucdii hadalkayga

Anigaan idin daahin , Bal aan diirka ka qaado

Da’roontii kacday waayo , U dareeraay tcliinta

Dawlad ay dhaliyaan iyo , Daryeel ay fidiyaan iyo

Lagama waayo dugaalsi !

Taas waxaa u daliila , Axmed Dowlo damiirkiyo

Dubkii way damqadeen ,Goortii dad u sheegay

Dooxadii qorraxay iyo Magaaladii qabri Daharre

Dugsigeeda sareeto Duruuftaa ubadkeeniyo

Dayacay ku jiraan, Dhagxantii dixda tiil iyo

Doggobo aan debcahayn,  iyo Daasadaa u dhex yaalloo

Duruusta ay ku dhigtaan ,Doodii uu ku dhawaaqiyo

Dadaalkuu ku dhaqaaqay ,Tolkiis waa ku duxeenoo

Durba waa aqbaleenoo ,Illayn duul badan weeyee

Dhakhsaa maal la diyaarshey ,Kuraas hoos u dacsaysiyo

Qalab aan dadba haysan Lagu daabul maraakiib

Degdeg siiyo u gaadhe Doollar aan go’ahayna

Macallimiintii ka durduurte Ardadiina dadaaloo

mid damiina la waayoo jaamacaad u dareere

datoorka ina diirshiyo bulshadii danta raacdiyo

qaar kaloo ku daydayba dooradaa la cayaaray

sandiyeegaa u darayde daawadeeda lahayde

daayinkaan baryayaaye duunyo uu barakeeyiyo

derejo wey idin siiyoo dembigiinana dhaafyey

M.  Hiirad
O7 – 26 – 09

You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply

Designed By Daaweeye